XOGO DHAMMAYS TIRAN OO LA XIDHIIDHA TAARIIKHDA KU DUUGAN BAYTAL MAQDAS, QAYBAHA UU KA KOOBAN YAHAY MASJIDKA AL-AQSA IYO MUCJISOOYINKA KU LAMMAAN.

0
Saturday December 09, 2017 - 11:31:41 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOGO DHAMMAYS TIRAN OO LA XIDHIIDHA TAARIIKHDA KU DUUGAN BAYTAL MAQDAS, QAYBAHA UU KA KOOBAN YAHAY MASJIDKA AL-AQSA IYO MUCJISOOYINKA KU LAMMAAN.

    XOGO DHAMMAYS TIRAN OO LA XIDHIIDHA TAARIIKHDA KU DUUGAN BAYTAL MAQDAS, QAYBAHA UU KA KOOBAN YAHAY MASJIDKA AL-AQSA IYO MUCJISOOYINKA KU LAMMAAN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOGO DHAMMAYS TIRAN OO LA XIDHIIDHA TAARIIKHDA KU DUUGAN BAYTAL MAQDAS, QAYBAHA UU KA KOOBAN YAHAY MASJIDKA AL-AQSA IYO MUCJISOOYINKA KU LAMMAAN.

Hargeysa(HN)Baytal Maqdas oo uu ku yaallo Masjidka Al-aqsa waa qibladii ugu horeysay ee muslimiinta isla markaana waa xaramkii 3aad ee muslimiinta, sidoo kale waa halkii Nabigeenna Muxamed (SCWS) laga dheelmiyay habeenkii Israa Wal Micraaj. Haddaba shaki malaha in uu yahay Masjid Qiime wayn u leh dadka muslmiinta ah meel kasta ay joogaan iyo waliba xili kasta oo ay joogaan. Taxanahan kooban waxa aan ku eegi doonaa Xogo la xidhiidha Masaajidka Al-Aqsa.

 

QAYBTA 1AAD


MAJIDKA AL-BURAAQ

Halkani waa meesha looyaqaan ”Buraaq” waxa uu ka mid yahay oo ku dhex jiraa Masaajidka Al Aqsaa, waxa ku qarsoon sir badan. waxaa ka soo baxay nuur badan, waa meeshii uu nabi Maxamed NNKHA ka koray samada markii la dheelminayay.waa halka ay ka galeen dhamaan Anbiyadii Alle Nabadgelyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee. Waa halkii Sayid Cumar Bin-khadaab Alle ha ka raali noqdee uu ka galay markii uu furayay Magaalada Qudus, sida uu "Ibnu kasiir” warinayo waxa uu Sayid Cumar ku dayanayay nabigeenna Muxamed (SCW). Sidoo kale waxa uu sheegay imaamka loo yaqaan Imam Al-xanbali in Sayid Cumar Binu Khaddaab (RC) markii uu Baytul Maqdis uu yimid inuu socday ilaa uu Buraaq ka tago. Waayo waa albabkii Anbiyada Alle, waa albaabka Buraaq waa Albaabkii Muxamed, waa albaabkii nabiga. Hadaba shaki ma leh akhristoow in ay ishaadu iskeed ay isaga ilimaynayso markii aad maqasho waxaas oo dhan oo fadli ah. Si kastaba ha ahaatee Albaabkan ayaa waxa uu noo tilmaamayaa soohdimaha iyo halka uu ku egyahay Masjidka Al-Aqsa, in kasta oo aysan shardi ahayn in uu masjidka barigaa lahaa Albaab laga soogalo iyo darbiyo ku xeeran haddana waxa uu waaqicu sheegayaa in dhinaca galbeed ee darbigan Buraaqa iyo korkiisa ilaa iyo dhinaciisa koonfureed uu ku yaalo Albaabka looyaqaan Baab AL-magaaribah.

 

 

Hadba haddii aan dib ugu laabano taariikhda qaybtan qiimaha badan ee loo yaqaan Buraaq oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee uu ka koobanyahay masjidka Al-Aqsaa, ayaa ah meeshii uu ka galay sida aan horay aan u soo sheegnay nabigeennii Muxamed (SCW).

 

Sannadku markii uu ahaa 672 ayaa waxaa dayactir ku sameeyay boqorkii muslimiinta ee la odhan jiray C/Malik Binu Marwaan isaga oo asalkiisii ku celiyay, waxaa sidoo kale uga danbeeyey oo dayactiray boqorkii Al-walid oo ahaa wiilkii C/malik. Tiirarka BURAAQ ayaa waxa ay ka sameeysanyihiin isla waxyaaabaha laga sameeyay labada Albaab ee kala ah Baab AL-RAXMA iyo BAAB ALMUSDAWAJ mar uu tilmaamayay Ibnu Fadlullah AL-cumari ninka la yidhaada Buraaqa ayaa waxa uu ku sheegay kitaabkiisa la yiraahada (MASAALIKAL ABSAAR FII MAMALIKAL AMSAAR) ayaa waxa uu sheegay in uu Buraaqu ka samaysanyahay tiirar laga keenay bari iyo galbeeedba islamarkaana ay ka buuxdo ciid adag; wadaadkaan ayaa waxa uu sheegay in ay suuragal noqotay in qaar ka mid ah tiirarkaas la qiyaasay dhirirkooda halka qaarka kale la qiyaasi waayay.

 

Arintan ayaa waxa ay daliil u tahay sida ay sheegayaan dadka baadha arimaha Masjidka Al-Aqsa in goobta loo yaqaan Al-jaamaca oo ah halka lagu oogo salaada Jumcahaha iyo wadooyinka mara xaramka Qudsiga ah iyo waliba geedaha ku beeran gudahiisu ay dhamaantood ay cuskanyihiin oo ay ku taaganyihiin darbiyada baabka Buraaq.

 

….La Soco

Waxaa Tarjumay: Al-Aqsa Center; C/Raxman Bukhaari



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured