Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka

0
Saturday November 25, 2017 - 14:02:57 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillo Kamid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka
Hargeysa(HN)Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay wakiillo kamid ah guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.
Kulankan oo xarunta ololaha xisbiga KULMIYE ka qabsoomay maanta, ayuu madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadii ololaha KULMIYE ee gobollada kala duwan ee dalka ka hawlgashay waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey, waxana si weyn u ammaanay doorkii ay guddi ahaan kasoo qaateen hawshaas ballaadhan ee qaranku soo maray.

Xubno ku hadlay magaca guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga guusha usoo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxana ay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulanka uu la qaatay xubnaha guddida ololaha xisbiga oo wakiillo ka ahaa dhammaanba guddiyadii ololaha ee gobollada dalka waxa uu ku bogaadiyey sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qayb-qaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono, xisbiga iyo shacabkuba u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballamihii ay guddi ahaan iyaga oo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.
Image may contain: one or more people, people sitting, shoes and indoor
Image may contain: 6 people, suit
Image may contain: 2 people, suit
Image may contain: 6 people, people sitting and shoes
Image may contain: 6 people, people sitting and beard
Image may contain: 3 people, suit and beard
Image may contain: 8 people, people sitting
Image may contain: 1 person, sitting, shoes and indoor
Image may contain: 5 people, people standing, shoes and suit
Image may contain: 6 people, shoes
Image may contain: one or more people, people sitting, shoes and indoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 2 people, beard
Image may contain: 6 people, people sitting, shoes and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting and beard
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured