Daawo:Xaaji Cabdiwaraabe Oo Fariin Diray Xili Maamlmo Kooban Ka Xigaan Doorashadii Dalka Ka Dhacaysay

0
Monday October 30, 2017 - 16:32:28 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xaaji Cabdiwaraabe Oo Fariin Diray Xili Maamlmo Kooban Ka Xigaan Doorashadii Dalka Ka Dhacaysay

    Daawo:Xaaji Cabdiwaraabe Oo Fariin Diray Xili Maamlmo Kooban Ka Xigaan Doorashadii Dalka Ka Dhacaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:Xaaji Cabdiwaraabe Oo Fariin Diray Xili Maamlmo Kooban Ka Xigaan Doorashadii Dalka Ka Dhacaysay

Hargeysa (HN)Xaaji Cabdikariim Xuseen Xaaji(Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ugu da’d weyn, ayaa ugu baaqay musharaxiinta saddexda xisbiyada Qaranka ee ku tartamaya doorashada madaxtooyada ee Somaliland in ay ku tartamaan si walaaltinimo ku jirto oo aanay isu arag cadow.

Xaaji Cabdi waxaa uu ugu baaqay xisbiyada siyaasada inaanay rabshad iyo kicin dadweyne abuurin oo iyaga dhexdoodu aanay bilaabin inay guryaha isku weeraran amase gaadiidka iska jajabiyaan ee iyaga oo is wada jecel inay codeeyaan.

 

Dhanka kale waxaa uu soo jeediyay Xaaji Cabdi Waraabe in la ilaaliyo xasiloonida iyo nabad-galiyada oo uu tilmaamay inay Somaliland ay nabad-galiyada ku caana maashay looguna magacdaray nabada, waxaa uu hoosta ka xariiqay in nabad-galiyadu ay tahay inay tahay gobonimo.

XildhibaanXaaji Cabdikariinwaxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta qaybo warbaahinta ka mida kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa.

XaajiCabdikariin Xuseen Cabdi Waraabeisaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi "Golahani waxaa uu ku caam noqday wada jir, Goluhu waa Guurti, magaceenu waa dhex, dadka aynu dhex u noqono, waana inaynu guurti u noqonaa nin waliba ciduu doono ha u codeeyee, laakiin odhaahdeenu waa in ay u sinaata xisbiyadda, taladeenuna waa in ay mid ahaata, taasi oo ah nabad-galiyada, guurtiduna waa inay dhex noqotaa heyska ilaaliso guurtidu xisbi ay u shaqeyso”

OdayXaaji Cabdiwaxaa uu musharixiinta saddexda xisbi ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabad-galiyada ay Somaliland ku hanaqaaday kuna tartamaan si xor iyo xalaala, kuna codeeyaan si ay walaaltino iyo kalgacal ku jiro waxaanu yidhi "Qolada madaxtinimada dooneysa ee tartameysa si sharaf leh oo wanaag ku jiro waa in ay ku tartamaan, ninka imika kiciya ee rabshad abuura xagee ayuu wax ka doonayaa,ninka hada buuq dhaliyayna isaga uunbaa is dhibay, saddexda musharax ee tartamaya heyska ilaaliyeen inay rabshad kiciyaan,magic ayaynu ku leenahay nabad-galiyadda, magaca heynaga duminina, gobonimadu waa nabad-galiyada, laakiin aqal la burburiyo iyo guri la wareero iyo gaadhi la jajabiyo midna yaanay idinka idinka bilaabmin, saddexdiinu idinka oo is jecel kuwada rida, shicibkana waxaan leeyahay qof walowba kaad dooneyso ugu rid, idinma kala xigaan, ee xisbi kaliya ayaynu nahay, askarta, culimada, dhalinyarada, shicibka gabi ahaantii waxaan leeyahay mid ahaada, idinka oo is wada jecel oo walaalo ah oo mid qudha ah kuwada rida, nin walowba kaad doonto adiga oo qoslaya ugu rid, ciidamada booliska waxaan ugu baaqaya inay libin laaban ilaalinta iyo adkeynta nabad-galiyada qaranka Somaliland, nin walba u adeega, caalamka ina eegaya oo waftiyo badan ayaa inoo yimid way ina eegayaan ee wanaag hala inaga gudbiyo”

Halkan ka Daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured