KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Iyo Dhoolatus Cajiiba

0
Sunday October 22, 2017 - 14:11:01 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Iyo Dhoolatus Cajiiba

    KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Iyo Dhoolatus Cajiiba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo Iyo Dhoolatus Cajiiba  

KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
-----------------------------------------------------------
Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ololihiisa doorashooyinka madaxtooyada shalay dalka oo dhan ka bilaabmay, waxana caasimadda Hargeysa ku ibo furay kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga oo ay wehelinayaan hoggaanka sare ee xisbiga iyo guddida ololaha gobolka Maroodi-jeex.

Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo isugu jira, waayeel, dhallinyaro iyo haween, ayaa isagu soo baxay barxadda khayrida Hargeysa, waxan kala qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kale oo hoggaanka xisbiga kamid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodijeex, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, isla markaana loogu mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga KULMIYE u muujiyeen.


Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex oo kusoo labistay astaanta uu xisbiga KULMIYE caanka ku yahay, isla markaana lulaya caleemo qoyan, wejiyadooda iyo shirkoodana kusoo xardhay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa si waafi ah u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Khudbado kooban oo macno iyo miisaanleh, ayaa loo jeediyey shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee la dhacsan taageerada KULMIYE, waxana xubnihii halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Afhayeen Xasan Maxamed Gaafaadhi, Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Yoonis Cali Nuur iyo guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, waxana ay taageerayaasha ku guubaabiyeen inay maalinta codka ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas kala hadlay taageerayaasha KULMIYE, ayaa si mugleh ugaga mahadceliyey taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen, waxana uu sheegay inay shacabka reer Maroodi-jeex caan ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu KULMIYE kasoo hoyn jirey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.

Image may contain: 11 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, crowd and outdoor
Image may contain: 12 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 1 person, hat and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 2 people, outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 1 person
Image may contain: 3 people
Image may contain: 8 people, people smiling
Image may contain: 4 people
Image may contain: 2 people
Image may contain: 4 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, people on stage and outdoor
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 12 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 3 people, people smiling, closeup
Image may contain: 6 people, outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 1 person, smiling, sunglasses and closeup
Image may contain: 3 people, people smiling
Image may contain: 3 people, people sitting and child
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing
Image may contain: 2 people, people on stage and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor
Image may contain: 18 people, people smiling, people standing and crowd
Image may contain: 11 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, crowd and outdoor
Image may contain: 12 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 4 people, crowd, child and outdoor
Image may contain: 13 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 16 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 12 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 12 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 14 people, people smiling, crowd and outdoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured