Wasiir Ka Mida Wasiiradii Ugu Caansanaa Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

0
Saturday September 30, 2017 - 10:52:13 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Mida Wasiiradii Ugu Caansanaa Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

    Wasiir Ka Mida Wasiiradii Ugu Caansanaa Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Mida Wasiiradii Ugu Caansanaa Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

USA(HN)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price oo cadaadis xooggan la kulmay kaddib markii ay caddaatay in uu diyaarado khaas ah uu ku aaday safarro shaqo.

Trump ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani, waxaana isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

 

Saraakiisha dowladda marka laga reebo kuwa ku howlan ammaanka qaranka ayaa ku khasab tahay in ay raacaan diyaaradaha rakaabka xilliga ay u baxayaan safarradooda shaqada.

Waxaa baaritaan arrintaa oo kale la xiriirta lagu hayaa saddex xubnood oo ka tirsan golaha wasiiradda ee maamulka madaxweyne Trump.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku xigeenka xoghayaha caafimaad Don J Wright si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

Wasiirka xilka ka degay Tom Price ayaa ka mid noqday liiska dheer ee mas’uuliyiinta iscasilay ama xilka laga qaaday ee ka tirsan maamulka madaxweyne Trump.

Hargeisanews.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured