Deg Deg:Gudoomiye Baashe Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Dagaal Gacan Hadali Dhex Maray

0
Tuesday August 08, 2017 - 12:52:51 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:Gudoomiye Baashe Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Dagaal Gacan Hadali Dhex Maray

    Deg Deg:Gudoomiye Baashe Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Dagaal Gacan Hadali Dhex Maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg:Gudoomiye Baashe Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Dagaal Gacan Hadali Dhex Maray

Hargeysa (HN) Goor ay saacadu ku beegan tahay 10:30-kii subaxnimo ee maanta waxaa gudaha xarunta golaha wakiilada Jahuuriyadda Somaliland soo galay xildhibaan Saleebaan Cali Koore kana mida mudanayaasha golaha wakiilada gaar ahaan xildhibaan uu damac ka galay kursiga gudoomiyenimada golahaasi.

Saleebaan ayaa markiiba waxaa uu sitoosa u galay xafiiska gudoomiyaha golaha wakiilada oo uu wakhtigaasi ku sugnaa Baashe Maxamed Faarax.

Askarigii ilaalinayay gudoomiye Baashe ayaa is hortaagay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore waxaanu u sheegay in Gudoomiyuhu hawl ku jiro,hase ahaate dhagey jalaq umuu siin Saleeb Cali Koore,hadalka askarigaasi waxaanu sitoosa gudaha ugu galay xafiiska Baashe.

 

Muran iyo hadal taag taagan kadib waxaa bilaabmay gacan ka hadal dhexmaray Baashe Maxamed Farax iyo Saleebaan Cali Koore, waxaana gacanta ku horeeyay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.

Markale waxaa gudaha soo galay askarigii uu Saleebaan soo jiidhay waxaanu is yidhi ka qabo gudoomiyaha Saleebaan ,balse waxaa markiiba gudaha isaguna soo galay mid ka mida dirawalka xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna ku hubeysnaa Baastoolad, waxaanu markiiba ku riday askarigii ilaalada u ahaa gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Nacnac oo isna goobta taagna ayaa umaara waayay kala qabashada labada xildhibaan, iyada oo Saleebaan dhinac isaga tuuray xildhibaan Nacnac oo qabanayay, halkaasina uu ka sii socday dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ilaa intii ay soo gaadhayeen ciidmada ilaalada ka ah xarunta Baarlamaanka.

Xidlhibaan Saleebaan Cali Koore waxaa uu mudooyinkii ugu danbeeyay siweyn uga biya diidsana qaaabka loo soo doortay gudoomiyaha muranku ka taagan yahay ee Baaashe Maxamed Faarax.

Intaas kadib waxaa gacan ku heynta golahaasi la wareegay ciidamada Booliska Somaliland oo uu hogaaminayo Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal iiman.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Saddex wiil oo la socday oo midi yahay dirawalkiisi ayaa jeelka loo dhaadhiciyay, halka Baashe Maxamed Faaraxna markiiba u lugeeyay dhanka aqalka madaxtooyada Somaliland oo ka soo horjeeda golahaasi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured