EDNA AADAN OO BULSHADA SOMALILAND KA DALBATAY IN LAGU GARAB-GALO XILKA LOO MAGACAABAY

0
Thursday August 03, 2017 - 19:38:04 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EDNA AADAN OO BULSHADA SOMALILAND KA DALBATAY IN LAGU GARAB-GALO XILKA LOO MAGACAABAY

    EDNA AADAN OO BULSHADA SOMALILAND KA DALBATAY IN LAGU GARAB-GALO XILKA LOO MAGACAABAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

EDNA AADAN OO BULSHADA SOMALILAND KA DALBATAY IN LAGU GARAB-GALO XILKA LOO MAGACAABAY

Hargaysa (HN) Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa soo dhawaysay xilka dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay ee Ergayga gaarka ee wadahadalka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Marwo Edna Aadan ayaa sheegtay in sharaf u tahay in madaxweyne Siilaanyo u magacaabo xilka culus ergayga gaarka ah ee wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanay codsatay in in lagu garab istaago masuuliyadaas qaran ee madaxweynuhu u igmaday.

"Waxa sharaf ii ah in dhawaan madaxweynaha Somaliland ii magacaabay oo xil culus oo ah ergayga wadahadalka dalka Somaliland iyo Soomaaliya ee aynu jaarka nahay,waxa laga yaabaa in dad aan fikirayni yidhaahdaan gabadhaasu dhex dhexaad maaha oo Somaliland ayay aad u jeceshahay waxaan ku galayaa xilkaa la ii magacaabay ixtiraamka dalkayga iyo ummaddayda Somaliland,”ayay tidhi Ergayga cusubi.

 

Edna Aadan waxay ku dooday inay ka nasiib badan tahay masuulka dhigeeda ah ee Soomaaliya soo magacaaban doonto, waxaanay tidhi; "Gar-darro wax innoogu raadin maayo, gardarana waxba la igaga qaadi maayo, waddankeenna Somaliland cidna hadyad u siin mayno.

waxaan qabaa in aan ka nasiib badan nahay qofka la iga horkeenni doono ee Soomaaliya ka socda,waxaanan doonayaa in aan idin kala dardaarmo in aydaan iga shakiyin, waxaan doonayaa in aad i taageertaan oo igu taageertaan talaabooyin wanaagsan oo aan tuso adduunka oo u sheego dalkayga Somaliland waxaana aynu wada nahay safiirro waxaanan difaacaynaa dalkeenna oo aynu wanaag ku difaacayno.”



Hargeisanews.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured