Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Oo Booqday Garoonka Kubada Gacanta Ee Timacade Iyo Deeqo Uu Gudoonsiiyay Dhalinyarta +[Sawiro]

0
Tuesday June 20, 2017 - 00:56:39 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Oo Booqday Garoonka Kubada Gacanta Ee Timacade Iyo Deeqo Uu Gudoonsiiyay Dhalinyarta +[Sawiro]

    Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Oo Booqday Garoonka Kubada Gacanta Ee Timacade Iyo Deeqo Uu Gudoonsiiyay Dhalinyarta +[Sawiro]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Oo Booqday Garoonka Kubada Gacanta Ee Timacade Iyo Deeqo Uu Gudoonsiiyay Dhalinyarta +[Sawiro] Hargeysa (HN)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi oouu ka tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo agabka ciyaartoyga iyo qalabka lagu qabtayba uu bixiyey xisbigu.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE Cabdinajax Siyaad, waxa garoonka ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha Gacmaha Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), hawlwadeennada tartanka, ciyaartoyga iyo dadweyne u soo daawasho tagay garoonka.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku sugnaa garoonka waqti ku dhaw saacad oo uu ku daawaday qayb ka mid ah ciyaar dhexmartay labada kooxood oo ka kala socday shirkadda Telesom iyo dawladda hoose ee Gabiley.
Masuuliyiinta ka socday Xidhiidhka Kubadda Gacanta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka warbixiyey tartanka ka socda Garoonka Tima-cadde oo ay sheegeen isugu jira heerka koowaad oo ay ku tartamayaan 7 naadi iyo qaybta kooxaha heerka labaad oo ay ku tartamayaan 8 kooxood, isla markaana waxay uga mahadceliyeen Guddoomiyaha iyo xisbiga KULMIYE taageerada ay ka gaysteen tartan oo isugu jirta dirayska 15 kooxood, billadaha iyo koobabka la kala qaadayo.
Madaxda ciyaaraha iyo Wasiirka Caddaladdu waxay u mahadceliyeen Guddoomiyaha xisbal-xaakimka oo ay ku sifeeyeen masuul xog-ogaal u ah dadkiisa iyo da’yarta dalkaba.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo isna hadal kooban ka jeediyey garoonka, waxa uu ku hambalyeeyey dhallinyarada, kooxaha ciyaartoyga iyo Wasaaradda Ciyaarahaba hirgelinta tartannada ciyaaraha oo uu xusay inay muhiimada wayn u leeyihiin da’yarta. Waxaannu ugu baaqay ciyaartoyga inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed si ay heer fiican uga gaadhaan, ugana badbaadaan balwadaha dhibaatada ku haya dhallinyarada.
Guddoomiyuhu waxa isagoo ku dhiirrigelinaya dhallinyarada ciyaarta kollayga uu dhawr jeer sameeyey sharciga labada tallaabo loo yaqaanno kadibna uu kubadda ku tuuray riinka goolka ee garoonka ciyaartu ka socotay.






















Image may contain: 8 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 4 people, people standing and indoorImage may contain: 5 people, people smilingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 5 people, people smiling, people sittingImage may contain: 7 people, people smilingImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, smiling, sitting and indoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and shoesImage may contain: foodImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 8 people, people standing


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured