Xiisad Saan saan Dagaaleed Oo Kasoo Cusboonaatay Magaalada Buuhoodle Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Ee kasoo Kordhaya

0
Monday June 19, 2017 - 13:49:49 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Saan saan Dagaaleed Oo Kasoo Cusboonaatay Magaalada Buuhoodle Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Ee kasoo Kordhaya

    Xiisad Saan saan Dagaaleed Oo Kasoo Cusboonaatay Magaalada Buuhoodle Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Ee kasoo Kordhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad Saan saan Dagaaleed Oo Kasoo Cusboonaatay Magaalada Buuhoodle Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Ee kasoo Kordhaya

Hargeysa(HN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soona gaadhaya Warbaahinta  ayaa waxay sheegayaan in xisaad sansaan dagaalleh ay ka taagan tahay magaalada Buuhoodle.

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamado Maleeshiyaad ah oo ay hubaysay maamulka Puntland ay isku urursanayaan duleedka magaalada Buuhoodle gaar ahaana deegaan lagu magacaabo Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle.

Waxaana ciidamadan ay maamulka Puntland hubaynayso ayaa doonaya sida naloo sheegay inay awood kula wareegaan magaalada Buuhoodle,iyaga oo sidoo kale Prof Cali Khaliif Galaydh u diiday inuu dib uso galo magaalada Buuhoodle,waxaana ciidankan maleeshiyaadka ah ay ku qoryo urursanayaan sida naloo sheegay deegaanadaasi.

 

Ciidamadan Maleeshiyaadka ah ayaa waxay kasoo horjeedaan heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Dorraad kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo uu hogaaminayo horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Sidoo kalena ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Buuhoodle ayaa iyaguna dhankooda heegan iyo difaac adag galay,waxaana ay ciidamada Qaranka Somaliland diyaar u yihiin hadh iyo habeenba ilaalinta xuduudaha Somaliland.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan xaaladeeduna way kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee xuduudaha Somaliland ilaalinaya iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ay maamulka Puntland soo hubaysay.

Hargeisanews.net
Buuhoodle/Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured