Halkan Ka Akhri Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Iyo Maamulka Khaatumo

0
Saturday June 17, 2017 - 20:30:43 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhri Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Iyo Maamulka Khaatumo

    Halkan Ka Akhri Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Iyo Maamulka Khaatumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Ka Akhri Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Iyo Maamulka Khaatumo

Hargeysa (HN) Waxaa maanta Huteel Anbaassator ee magaalada Hargeysa lagu soo gaba-gabeeyay shirka wada hadaladii u dhaxeeyay maamulka Khaatumo iyo Somaliland.

waxaana shirkani oo saacado badan qaatay laga soo saaray shan qodob oo xudun u noqon doona wada hadalka labada dhinac.

Waxaanu u dhignaayeen sidan:–

1: In Somaliland & Khaatumo ay ku tuntunsadaan sidii loo gaadhi lahaa is afragad buuxa.

2: In laga wada shaqeeyo Somalland loo wada dhan yahay , oo ku dhisan cadaalada sinaan wax wada lahaansho , maamul wanaag xaqdhawris xuquuqal insan ku dhisan diinta islaaamka oo muwaadiniinteedu midna aanu ku aheyn marti,ee ay u wada siman yihiin.

 

3: In Distoorka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalad ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci-dajinta, garsoorka iyo hay’addaha dawliga ah,

4: In la sameeyo maamul daadejin (devolution) heer gobol, heer degmo, iyo magaalo lana qeexo, mid walba awoodeeda, (decentralization)

5 in shir danbe leysugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, si loogu dhameeyo wixii qabyo ah, lagagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban-lahaa shir loo wada dhan yahay

Gudoomiyaha Gudida Wadahalada Somaliland

Dr Sa’ad Ali Shire

Gudoomiyaha Wafdiga Khaatumo

Maxa’ud Sheekh Cumar .

Halkan Ka Akhri Nuxurka Warqadan






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured