Fanaan Dhulka Soomalida Aad Uga Caan Ahaa Oo Ku Sugan Cimrada Shaaciyayna Inuu Ka Fadhiistay Fankii Dacwada Diintana Uu Faafinayo

0
Wednesday June 14, 2017 - 05:16:50 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaan Dhulka Soomalida Aad Uga Caan Ahaa Oo Ku Sugan Cimrada Shaaciyayna Inuu Ka Fadhiistay Fankii Dacwada Diintana Uu Faafinayo

    Fanaan Dhulka Soomalida Aad Uga Caan Ahaa Oo Ku Sugan Cimrada Shaaciyayna Inuu Ka Fadhiistay Fankii Dacwada Diintana Uu Faafinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaan Dhulka Soomalida Aad Uga Caan Ahaa Oo Ku Sugan Cimrada Shaaciyayna Inuu Ka Fadhiistay Fankii Dacwada Diintana Uu Faafinayo Makka (HN):- Fannaanka Dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed Axmed Cabdikariim Maxamed oo loo yaqaano (Axmed Biif) ayaa waxa uu sheegay in uu guud ahaanba ka baxay Fanka isla markaana uu Alle u toobbad keenay kana shaqayn doono inta noloshiisa ka gadhay dacwadda Islaamka sida uu kaga dhawaaqay mar uu shalay ku sugnaa Masjidka xaramka Barakaysan ee Makka Al Mukarama oo uu u joogo Cumro.

Image may contain: 2 people, people smiling


 

Axmed Cabdikariim Maxamed oo loo yaqaano (Axmed Biif) ayaa sheegay in uu sidaa kaga baxay Fankii uu muddoda ku soo jiray isaga oo bulshada Soomaaliyeed u sheegay in ay sidaa ugu soo duceeyaan oo uu faraha ka qaaday Fankii uu ku jiray muddoda.

Axmed Biif oo go’aankaan ku tilmaamay midkii ugu cuslaa nolashiisa, ayaa ummadda islaamka ka codsaday inay usoo duceeyaan. Waxaana uu sheegay in uu noqon doono Sheekh diinta Alle ka shaqeeya.


Fanaanka ayaa waxa uu sidaasi u sheegay isagoo ku sugan masaajidka barakeysan ee Xaramka waxaanu go’aankaasi u sheegay Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo kamid ah culimada reer Somaliland iyo Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha caddaalada xisbiga Waddani oo ay isku arkeen barxadda Masaajidka Xurmada Leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured