Madaxwayne Siilaanyo Oo Cayimay Maalinta Doorashadu Dhacayso Iyo Wakhtiga Ay Ku Beegantahay

0
Sunday June 11, 2017 - 21:00:47 in Wararka by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Cayimay Maalinta Doorashadu Dhacayso Iyo Wakhtiga Ay Ku Beegantahay

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Cayimay Maalinta Doorashadu Dhacayso Iyo Wakhtiga Ay Ku Beegantahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Siilaanyo Oo Cayimay Maalinta Doorashadu Dhacayso Iyo Wakhtiga Ay Ku Beegantahay

WAR-SAXAAFADEED: 11/06/2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr. 20/ 2001;

 

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraadlam.MS/DD/02/2015ee 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay: In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo saaray

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir


Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured