DAB-DAMISKA CAASIMADA HARGEISA OO ISKU BADALAY HAYADA BIYO DHAAMISKA +MADAXDA LOO DHAAMIYO BIYAHA LOOGU TALO GALAY BADBAADINTA BULSHADA CAASIMADA

0
Saturday January 28, 2017 - 18:42:25 in Maqaallo by xasme axmed ismaciil
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAB-DAMISKA CAASIMADA HARGEISA OO ISKU BADALAY HAYADA BIYO DHAAMISKA +MADAXDA LOO DHAAMIYO BIYAHA LOOGU TALO GALAY BADBAADINTA BULSHADA CAASIMADA

    DAB-DAMISKA CAASIMADA HARGEISA OO ISKU BADALAY HAYADA BIYO DHAAMISKA +MADAXDA LOO DHAAMIYO BIYAHA LOOGU TALO GALAY BADBAADINTA BULSHADA CAASIMADA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAB-DAMISKA CAASIMADA HARGEISA OO ISKU BADALAY HAYADA BIYO DHAAMISKA +MADAXDA LOO DHAAMIYO BIYAHA LOOGU TALO GALAY BADBAADINTA BULSHADA CAASIMADA

bismilah alle ayaa mahad leh ii suurto galiyay inaan qalinka uqaato inaan shacabka reer somaliland usoo bandhigo siday u dhaqmayaan madaxda aynu qarankeena u igmanay horumarintiisa,oo maanta maraya meel aan la odhan karin waxaynu nahay qaran,qof kasta oo masuuliyad shacabka somaliland u hayaana uu ku takri falayo xoolaha masaakiinta oo maanta maraysa meel aan qofka damiirka lihi aanu udulqaadan karayn .
waxa sanadkii 2014 la aasaasay ciidanka dab-damiska qaranka oo madaxweynaha somaliland digreeto madaxweyne ku magacaabay,waxana kuu diirsaday shacabka somaliland,balse sidii loogu talo-galay uma shaqeeyaan dabdamiska caasimadu waxaanu dabdamiska caasimadu hoos yimaadaan Maayarka Hargeisa iyo Wasaarada Arimaha Gudaha.


waxa maamula dab-damiska Qaranka 3qof oo kala ah Taliyaha Gaashaanle sare SAWAAXILI, Agaasimaha Fulinta CABDIQADIR iyo Suldaan ka mida golaha saladiinta somaliland laguna magacaabo SULDAAN AHMED DAAHIR,bal hadaba sifaha dawladnimo iyo DASTUURKA somaliland xagay kaga taalaa nidaamka ciidanimo in AGAASIME FULINEED maamulo,Ciidanka Dab-damiska Qaranku ma shirkad gaar loo leeyahay oo shaqsiga iska leh ka yahay agaasime fulineedbaa .
ka dar oo dibi dhal waligay ma arag SULDAAN DHAQAN oo maamula Ciidan Qaran,golaha salaadiinta somaliland ceeb bay ku tahay inay soo dhaafaan beelaha doortay ee ay matalaan,SULDAAN AHMED wuxu ku jiraa gudida tacliinta sare wuxuna ka mid yahay maamulka ciidanka dabdamiska qaranka ,xukuumada somaliland miyay iska indho-tirayaan xoolaha umada somaliland ee maanta xaalkeeda aan ognahay boobkeeda ee shaadhadhka dhaqanka loogu soo gabanayo.
DHalinta ciidanka dabdamiska hargeisa oo dhabarka lagaga jabiyay biyo dhaan,waana ceebtii iyo fadeexadii ugu weynayd waxana sabab u ah maamulka dabdamiska oo uu ugu horeeyo MAAYARKA CAASIMADA+TALIAYAHA+AGASIMAHA,waxana loo dhaamiyaa madaxda qaranka waa arin laga xumaado,madaxdeenu lacagta ay qaataan waynu ka wada war qabnaa intay ALLE ka baqaan miyay booyadaha biyaha dhaamiya iska shubtaan .
Dabdamiska caasimadu waxay ku mashquuleen biyo dhaamiska madaxda qaranka,masuulka ka tagi waayay biyaha loogu talo-galay in lagaga hortago aafada DABKA, ma wuxuu ka tagi doonaa cashuurta laga ururiyo umada masaakiinta ah ee baahan,madaxda sida joogtada ah biyaha dabdamiska loogu dhaamiyo waxa ka mida MUSE BIIXI CABDI+MAAYAR SOLTELCO IYO ASKARTIISA+XOGHAYAHA DHH+GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE+AGAASIMAHA FULINTA DAB-DAMISKA+SULDAAN AHMED DAAHIR.
waxa sidoo kale biyaha ciidanka dab-damiska caasimada loo adeegsadaa WARAABKA BEERAHA ay ka mid yihiin BEERAHA MADAXTOOYADA+BEERAHA WASAAARADA ARIMAHA GUDAHA+BARKADAHA TUULADA BADARWANAAG EE WARANCADE LEEYAHAY OO BIYAHA LOOGU SHUBO.
dhamaan shacabka caasimada hargeisa oo badankoodu ka war-qaba fadeexada iyo ceebta hanti lunsiga ah ee ka jirta DABDAMISKA ,guntii iyo gabagabada maqaalkaygan waxaan bulshada reer somaliland usoo bandhigi doonaa musuqmaasuqii ka dhacay ciidanka dab-damiska mudadii uu jiray,sida miisaaniyada dabdamiska ee dawlada dhexe iyo dawlada hoose ee hargeisa ay siiyaan +qaab noocee ah ayaa loo maamulaa miisaaniyada dabdamisk+qaab dhismeedka dab-damisku waa noocee+warbixin guud oo ka hadlaysa mudadii uu jiray ciidanka dabdamisku+mahadhooyinkii cadaalad darada ahaa ee ka dhacay xarunta DAB-DAMISKA.

QORE: ABDI ABDILAAHI ISMAIL
TELL: 063 4480020
EMAIL: ABDI979@LIVE.COM
ALLE AYAA MAHADLEH

La Wadaag


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured