Wasiir Axmed Nuur Faahiye Halyay Ku Suntan Horussocod Iyo Hawlkarnimo Dalkiisa Iyo Dadkiisana Jecel Qalinkii Abdirizak Ilkacase

0
Monday January 16, 2017 - 03:59:29 in Maqaallo by edito editor
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Axmed Nuur Faahiye Halyay Ku Suntan Horussocod Iyo Hawlkarnimo Dalkiisa Iyo Dadkiisana Jecel Qalinkii Abdirizak Ilkacase

    Wasiir Axmed Nuur Faahiye Halyay Ku Suntan Horussocod Iyo Hawlkarnimo Dalkiisa Iyo Dadkiisana Jecel Qalinkii Abdirizak Ilkacase

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Axmed Nuur Faahiye Halyay Ku Suntan Horussocod Iyo Hawlkarnimo Dalkiisa Iyo Dadkiisana Jecel Qalinkii Abdirizak Ilkacase
Wasiir Faahiye waa rukumadii iyo aasaasayaashii Xusbiga Kulmiye dhidibada u taagay isagoo markii lagu dhawaaqay ku sugnaa cariga mareekanka wuxuu kaalinta koowaad kaga jiraa siyaasiyiin is abaabushay oo si tabaruca uga hawl galay siday bulshada Somaliland ee qurbaha ku sugan u gaadhsiin lahaayeen hadafka loo sameeyay Xusbiga iyo barnaamijyadiisa siyaasadeed ee u qorshaysnaa una iftiimiyay marxalada siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay inay hoosayso kaabayaashii dhaqaale ee qaranka Xukuumadii Udub ee talada haysayna musuqmaasuqday loona baahan yahay badbaado qaran isbedel ka siyaasadeedna is garab taagaan isla markaana usoo bandhigay in Kulmiye ay ku bohoobeen siyaasiyiin aqoonyahana, hogaamiye Axmed Siilaanyo na yahay waaya arag khibrad iyo aqoon u leh hogaaminta sidaa darteedna taageeradoodu ay sad wayn u tahay, dhiiri galin iyo dhaqaalena looga baahan yahay.
Iyadoo ololahaa siyaasadeed uu noqday mid hirgala oo hanta quluubta shacab tiro badan oo ku kala nool qurbaha xaalada dalku marayona aan wax badan kala socon kuna dhiiradeen inay ka qayb qaataan horumarka iyo isbedelka dalkooda iyo dadkooda hiil iyo hoona la garab joogsadaan.
Ugu danbayntii waxaa hirgashay hadafkii iyo himiladii Xusbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisii tacabkoodii, wuxuu noqday mid midha dhala oo guul balaadhan soo hooyay.
Hogaankii Xusbiguna waxay ka dhabeeyeen barnaamijkoodii siyaasadeed iyo ballan qaadyadii ay soo bandhigeen.
Faahiye waa halbowlayaashii guushaa soo hooyay ee wakhtaga iyo dhaqaalahaba galiyay xusbiga waayihii adkee ee mucaaradnimona usoo dhabar adaygay.


Markii talada dalka Kulmiye ku guulaystay ayuu u soo hayaamay dalka isagoo ujeedadiisu ahayd siduu aqoontiisa iyo khibrada uu ka soo korodhsaday dalalka shisheeye dalkiisa iyo dadkiisa ugaga faa’iidayn lahaa wixii awoodiisa ahna ugu kordhin lahaa.
Muddo ka dib xukuumada Siilaanyo waxay u magcawday Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland isagoo shaqadaa loo igmaday kazoo dhalaalay waajibaadkiisa shoqona u gutay si hagar la’aana oo daacadnimo ku dheehan tahay horumar balaadahana ka sameeyay sanadihii uu xilkaa hayayna hanaankii iyo nidaamkii waxbarasho kor u qaaday xukuumadana kala shaqeeyay barnaamijkii waxbarshada dugsiyada hoose iyo dhexe bilaashka loogaga dhigay ardayda,
Intaas waxa dheeraa fursado deeqo waxbarsho oo wadanka dibadiisa ah kuwaasoo door muhiima uu ku lahaa Faahiye.

Isku shaandhayn golaha xukuumada ah oo ay samaysay waxaa Axmed Faahiye loo bedelay Wasiiru dawlaha wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland,
Xilkaas oo hada hayo muddo sanad ah wuxuu kusoo kordhiyay waxqabad balaadhan oo muuqda.

Xarumahaa kala duwan ee uu masuulka ka ahaa ayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan eek a hawl gala u hayaan ixtiraan kuna sifeeyeen shikhsi dabeecad wanaagsan oo shaqo yaqaana lana socda marxalad kasta oo uu ku sugan yahay qofkasta oo la shaqeeyaa isla markaana la wadaaga duruufohooda tallooyinkoodana dhagaysta isagoo meel mariya.
.
Qofku markuu wax qabto inaad sheegtaa waa waajib
Markuu ka waajibkiisa ka gaabiyona u sheeg dhaliishiisa.
Wasiir Ilaahay hadafkaaga iyo himiladaada siyaasadeed ee aad hiigsanayso ha kugu guuleeyo
Guul iyo Gobanimo insha allah…


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured