Hay'adda UNICEF Oo Fal Anshax Daro Ah Oo Ay Somaliland Kula Kacday Ka Raali Gelisay.

Monday December 05, 2016 - 15:23:01 in Wararka by haykal haykal
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda UNICEF Oo Fal Anshax Daro Ah Oo Ay Somaliland Kula Kacday Ka Raali Gelisay.

    Hay'adda UNICEF Oo Fal Anshax Daro Ah Oo Ay Somaliland Kula Kacday Ka Raali Gelisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda UNICEF Oo Fal Anshax Daro Ah Oo Ay Somaliland Kula Kacday Ka Raali Gelisay. Hay'adda UNICEF ayaa markii ugu horeysay waxay raalingelin ka bixisay hadalo gef ah oo uu masuul ka tirsan hay'addaasi sarkaal sarena ka ahi kula kacay Madaxda ugu saraysa wasaaradda waxbarashada mid kamid ah.

Hay’addan UNICEF qaybteeda qaabilsan Caruurta ayaa qoraal ay soo saartay oo ay ku saxeexan tahay madaxa Somaliland u qaabilsan hay’addaasi waxay ka raali gelisay xukumada Somaliland gefkaasi laga galay masuulkaasi.

Qoraalkaasi ay soo saartay oo ay qaybo kamid ah heshay warbaahintu ayaa lagu sheegay in aanay dib u dhici doonon gefkaas oo kale mar dambe.

Qoraalkan oo qayb kamid ah ay heshay Halgannews ayaa u dhignaa sidan:-

"Waxaannu yiqiinsannahay in masuulkayagu u dhaqmay si aan habboonayn, si niyad ahna waannu idiinka raalligalinaynaa,”.

Marwo Aamina Maxamed oo ah madaxa hay’addaas ee Somaliland oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi "Hawlwadeennadayada qaarkood waxa qaadi karta caadifadda mararka ay la kulmaan xaalado adag, sida tan hadda dhacday oo kale” ayay tidhi Marwo Aamina Maxamed, waxaanay intaa raacisay, "Arrintan waxaannu ka wada hadalnay hawlwadeenkii ay khusaysay ee gefka sameeyay, wuu qiray qaladkii uu sameeyay, waanuu ka qoomamooday. Waxa ka go’an in aanu dib u samayn gef kale.”.

Waxaanay qoraalkaasi kusoo afmeertay masuulkaasi "Waxa naga go’an inaannu sii wadno wada-shaqaynta aannu la leennahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo taageerista xaqa uu ilme kastaa ba u leeyahay in uu waxbarasho helo.”


featured