Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

0
Monday December 05, 2016 - 15:12:00 in Wararka by haykal haykal
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa leh micno badan, waxaana magaaladaasi kaga horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo musharax C/raxmaan C.shakuur Warsame.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay olalaha doorashada ee sanadkaan, waxaana magaaladaasi ka imaanaya xildhibaano badan.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa dhankiisa maalin ka hor kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo in loo baahan yahay isbadal dhanka hogaanka ah, waxaana safarkaan uu u muuqdaa mid jawaab ah.

Magaalada Kismaayo oo lagu soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa marar kala duwan tagay musharixiin sanadkaan doonaya xilka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmaa xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo madaxda maamulkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured